loo geeye
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Loo geeye
Addend

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaq
-a: (magac, lab, keli) weel sarriig maydho iyo wixii la mid ah laga tolo oo kimista lagu rito. Odayadii dabaq loxoox ah ayaa loo geeyey.
dabaq -a: (magac, lab, keli) dabool weelasha afka laga saaro. Dugsibaa ku dhaca xeedhadaan dabaqu saarayne. Dh: dabool.
dabaq -a: (magac, lab, keli) dhismaha guryaha la is kor saaro ee ka kooban laba iyo wixii ka badan. Faadumo aqal dabaq ah ayay dhisatay. Dh: fooq, bandarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugeeye
-ha: (magac, lab, keli) qof meesha uu rabo aan gaadiid u raacine lugtiisa ku gaara.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Goobeeye
Compasses
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooseeye
m.l (-yayaal, ml/dh) Lambarka hooseeya lambarada jajabka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hooseeye
m.l (-yayaal, ml/dh) Lambarka hooseeya lambarada jajabka.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hooseeye
Numerator
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooseeye
m. n. denominator {mathematics}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooseeye
-ha: (magac, lab, keli) laba tiro oo la isku qaybinayo ta xagga hoose xigta. Sadex waa hooseeye lixna waa sarreeye 6/3. Li: korreeye, sarreeye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooseeye
de: denominator {mathematics}
lx: hooseeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: hooseeye
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kooreeye
nickname-m saddler
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joog ekeeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Xarriiq isku xira meelaha jooggoodu isku mid yahay ee ka sarreeya bad lasimanta.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rooh ekeeye
Isohyfe
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Joog beege
Altimeter
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Joogekeeye
Contour
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo dejiye
- soo dejiyaha: (n) importer (im-poortar)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
loo-shaqeeye
m. n. employer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo dhaweeye
-dhaweeyaha / soo dhaweysada: (n) receptionist (risep-shaniist)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogee
f.g2 (-geeyay, -gaysay) Boog u yeelid (jir).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogee
(fal) gudniinka fircooniga ka fur. boogee: (fal) nabar boog ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogee
f.g2 (-geeyay, -gaysay) Nafley nabar doog reeba ku dhufasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doogee
v. have consequences on ~ for something, have an effect on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogee
(fal) dhul naq helay, doog yeelo.
doogee: (fal) cid dhibaato haysay, soo roonow oo ka soo kabo.
doogee: (fal) nabar hore, hoosta ka soo xanuun oo soo goco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doogee
de: have consequences on ~ for s.t., have an effect on
lx: doogee
pd: (doogeeyey)
ps: v2b=tr
key: doogee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogey
e.d Waa belo!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoogey
inter. shucks! too bad!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoogey
(inteijection) used to express sorrow or dismay: woe (wow)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoogey
de: shucks! too bad!
lx: hoogey
pd: (-da)
ps: intj
key: hoogey
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
OOBEEY
(Obei) C Adenium obesum (Forsk) Roem. & Schult. Apocynaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Wax xoog leh ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoogee
v. strengthen, make strong, reinforce
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoogee
a: xooji
de: strengthen, make strong, reinforce
initial: x
lx: xoogee
pd: (xoogeeyey)
ps: v2b=tr
key: xoogee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogey
(fal) cid kale cudud ku taageer; xoog iyo tamar ku kordhi. Waxbarashada dalka xoogey, Dh: xooji, xoogee, tamaree. Li: laciifi.
xoogey-ga: (magac, lab, keli) in yar oo aan badnayn oo la yaraysanayo. Dh: inyar, waxoogaa, xoogaa, waxoogeey, qadar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobeye
m. n. compass
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobeye
de: compass
lx: goobeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: goobeye
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jooglee
v. splash about
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jooglee
cf: dabaaljooglee
de: splash about
lx: jooglee
pd: (joogleeyay)
ps: v2b=
key: jooglee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogtee
f.g2 (-teeyay, -teysay) Fal si joogto ah u qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
joogtee
f.g2 (-teeyay, -teysay) Fal si joogto ah u qabasho. m.f.dh, joogtayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joogtee
v. set upright; make something ~ someone permanent ~ regular
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joogtee
-yey / joogteysay: (v) make constant, persistent, permanent or regular
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogtee
(fal) wax aad qabanaysay, ku sii wad oo waari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joogtee
de: set upright; make s.t. ~ s.o. permanent ~ regular
lx: joogtee
pd: (joogteeyey)
ps: v2b=
key: joogtee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nageeye
magac loo bixiyo wiil dhasha hooyadii oo socon lahayd ama dhaxalwareegi lahayd oo sababtiisa ku nagaata ama dhaxal ku hesha.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Negeeye
name-m to make stable; calm down, to cause to become calm serene. Cf: Negaad, Negeeya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sokeeye
(Sokeeya-ha)
(qof) Xagga dhalashada, aan fogeyn, dhow; aan shisheeye ahayn; xigto; xigaalo; qaraabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sokeeye
m.l Dad xiriir wada dhalasho wadaaga; xigto; qaraabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sokeeye
m.l Dad xiriir wada dhalasho wadaaga; xigto; qaraabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sokeeye
m. n. relative, blood relation, kin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sokeeye
-sokeeyaha: (n) connection or relationship by blood; kinship (kiin-shiip); relative (rala-tiv) ~ qaraabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sokeeye
-ha: (magac, lab, keli) 'qof' xagga dhalashada, aan fogayn, dhow; aan shisheeye ahayn. Dh: xigto, xigaalo, xigaal, qaraabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sokeeye
cf: qaraabo, rixin, xigto
de: relative, blood relation, kin
initial: s
lx: sokeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: sokeeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoogeyn
(Xoogeyn-ta)
Xoojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogeyn
m.f.dh eeg xoogee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale cudud ku taageerid; xoog iyo tamar ku kordhin. Dh: xoojin, xoogeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogeys
-ka: (magac, lab, keli) taag iyo tayo ka taageerid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoreeye
-xoreeyaha / xoreysada: (n) liberator (li-bareeytor) emancipator (imaan-sipeeytor)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foodleey
-da: (n) 1. young unmarried girl usually under 15 years; teenage girl. 2. young girl before the age of puberty
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooseeya
Docda hoose xiga, jira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooseeya
v., subject case / [adverbial] [expression] below, lower
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooseeya
de: below, lower
lx: hooseeya
ps: v2b-subj / adv-expr
key: hooseeya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isugeeye
m.l Gawaad; ruufiyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isugeeye
m. n. mediator, intercessor; go-between
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isugeeye
de: mediator, intercessor; go-between
lx: isugeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: isugeeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joogteyn
(Joogteyn-ta)
Wax jooga ama joogto ah ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogteyn
m.f.dh eeg joogtee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joogteyn
-ta: (n) consistency (konsis-tansi); regularization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogteyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad qabanaysay, sii wadid oo waarin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nooleeya
name-f reviving, keeping alive, resurrecting, nourisher
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nooleeya
magac loo bixiyo gabadh la rajaynayo inay ciddii dhashay barwaaqo iyo nolol wacan u horseeddo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoolleey
-da: (n) dove (doof); pigeon (pijin)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo jeed
-ka: (n) 1. the act of being awake (aweek); not in a state of sleep. 2. opposite (o-pazit); facing the other way
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toorreey
-da: (n) dagger (dhaagar) ~ abley, toorrey, toorri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wargeeye
(Wargeeya-ha)
Qofka warka qora ama doona ama qaada ama geeya, ama tebiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wargeeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof diradiraalow ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wargeeye
m. n., [compound] bearer of information, informer, informant; journalist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wargeeye
-ha: (magac, lab, keli) qof war qaada oo tebiya. Wargeeye wax u sheeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wargeeye
de: bearer of information, informer, informant; [ext.] journalist
initial: w
lx: wargeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: wargeeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xergeeye
(Xergeeya-ha)
Qofka xoolaha xer geeya ama xerriya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xergeeye
m. n., [compound] herder, person in charge of flock ~ herd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xergeeye
magac loo bixiyo wiil la rajaynayo inuu duunyo badan yeesho oo xolaha xergeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xergeeye
-ha: (magac, lab, keli) qofka xoolaha xergeeya ama xerriya. Dh: xerriye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xergeeye
de: herder, person in charge of flock ~ herd
initial: x
lx: xergeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: xergeeye
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xooghaye
m. n., [compound] secretary
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xooghaye
a: xoghaye
de: secretary
initial: x
lx: xooghaye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: xooghaye
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoogweyn
Comp. adj., (ie. n., adj.): strong, powerful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoogweyn
-aa / ayd: (adj) very strong; vigorous (viga-ras); mighty (maay-ti); powerful (paawer-fuul)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogweyn
ciyaar qadiimi ah oo ka mid ah ciyaaraha jiibta, jaanta iyo sacabka lagu ciyaaro oo ku caan ah Jabuuti, dhulka Soomaalida ee Itoobiya, gobollada Waqooyi-Galbeed iyo Awdal ee Soomaaliya. Dh: saddexley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoogweyn
de: strong, powerful
initial: x
lx: xoogweyn
pd: (xoogweynaa)
ps: adj-cmp
key: xoogweyn
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Boosteeya
name-f female ostrich; beautiful and easy going; over-shadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceelgeeye
m.l Muruq weyn oo cududda geela labada dhinac uga jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogbeege
m.l (-gayaal, m.l/dh) Qalab lagu cabbiro joogga dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Joogbeege
Altimetre
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Joogbeege
Hypsometer
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KABAGEEYE
(Gabageie) N, C Echiochilon longiflorum Benth. Boraginaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kalageeye
magac loo baxsho wiil kolkii uu dhashay dad wada jiray ay kala tageen, ama dhib taallay ay dhammaatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoorgooye
(Qoorgooya-ha)
Cudur qaniinyada kudkuduhu keento.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorgooye
qoorgooye¹: m.l Cudur ka dhasha qaniinyada kudkudaha oo murqaha luqunta xanuunjiyo.
qoorgooye²: m.l (daawo) Meninjiito. Halaamacoodka xuubabka maskaxda oo u keeno fiirus, ama baktiiriya keeno oof wareen, xabbad ama qaaxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoorgooye
qoorgooye¹: m.l Cudur ka dhasha qaniinyada kudkudaha oo murqaha luqunta xanuunjiyo.
qoorgooye²: m.l (daaw.) Meninjiito. Halaamacoodka xuubabka maskaxda oo u keeno fiirus, ama baktiiriya keeno oof wareen, xabbad ama qaaxo.